\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Cont

act Us   About US          

 

19-12-2012

Borama Oo Loo Doortay Gudoomiye Iyo Gudoomiye Ku Xigeen

Xildhibaanadda cusub ee Golaha Deegaanka Boorama ayaa fadhi ay maanta yeesheeen waxay cod aqlabiyad ah ku doorteen Mayarka Cusub magaaladaasi Saleebaan Xasan Xaddi.

Sidoo kale,waxay isla maanta u doorteen Maxamed maxamud Faarax (Dheereeye) inuu noqdo Maayar ku xigeenka magaaladda Boorame. Fadhigan oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka socday wasaaradda daakhiliga Somaliland iyo Maayarkii hore Md. C/Raxmaan Shide Bille.

 

Fadhiga maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen guud ahaan 21-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka ee Boorame ayaa waxay xildhibaanadu cod uga qaadeen doorashada mayarka iyo ku xigeenkiisa, waxaana jagada Maayarka ku tartamay laba musharax oo kala ahaa Saleebaan Xasan Xaddi iyo Cabdi Cismaan Dhegoweyne.

 

Shan iyo toban mudane oo ka mid ah golaha deegaanka ayaa doortay Saleebaan Xasan Xaddi, halka shan mudane-na ay codkooda siiyeen cabdi Cismaan dhegoweyne, gudoomiyahii fadhigaasina ma codayn sidaana waxa jagada Maayar-ka Boorame ku soo baxay Xildhibaan saleebaan Xasan xaddi.

 

jagada Ku xigeenka Maayarka oo uu isu soo sharaxay hal xildhibaan oo keliya oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Faarax (Dheereeye) ayaa waxaa ogolaaday sagaal iyo toban mudane, waxaa ka aamusy hal xildhibaan, gudoomiyahuna ma codayn. sidaasna waxaa jagadii ku xigeenka mayor-ka Boorame ugu guulaystay Md Maxamed maxamuud Faarax (Dheereeye).

 

Kulankaasi oo musharixii lagaga adkaaday kursiga maayarku Boorame uu si weyn ugu hambalyeeyey mayor-ka Cusub ayaa waxaa kale oo ka qayb galay wasiirrada wasaaradaha Shaqada iyo arrimaha Bulshada maxamed Axmed Barre (Garaad) iyo Cabdirisaaq Cali Cismaan. halka sidoo kalena ay goobjoog ka ahayeen dadweyne faro badan oo magaaladaasi degan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com 2010 Privacy Policy Terms Of Use