\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

20-12-2012

Golaha Deegaanka Degmadda Berbera Oo Ku Guulaystay Inay Doortaan Maayar Iyo Maayar Ku Xigeen Ka Soo Kala Jeeda Xisbiga UCID Iyo Ururka Wadani & Xukumada Siilaanyo Oo Ku Fashilantay Ajande Ay Wadatay

Maayarka-cusub.jpg Berbera
Golaha Deegaanka ee cusub ee degmadda Berbera ayaa  maanta si rasmi ah u doortey Maayar iyo Maayar ku xigeen Cusub, kuwaasi oo ka soo kala baxay ururada UCID iyo Waddani.

Golaha Deegaanka ee Berbera oo maanta Fadhigoodii ugu horeeyey yeeshey, isla markaana tiradoodu dhamayd 21 xildhibaan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee dawladda Hoose Berbera ayaa Guddoomiyahooda cusub u doortey Xildhibaan C/shakuur Maxamuud Xasan (Cidin) oo ka soo baxay Xisbiga UCID, waxaana sidoo kale maayar ku xigeen u doorteen Baashe C/laahi Ibraahim (Yacquub) oo isna ka soo baxay urur siyaasadeedka Waddani.

Dhinaca kale Xukuumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye ayaa si weyn ugu ololaynayey in aanu xilka Maayarnimo dhaafin xisbigooda, taasi oo ay ilaa habeenkii xalay ay Maareeyahadekadda Berbera Eng. Cali  Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) iyo Wasiir ku xigeenka Amniga Wasaaradda Arrimaha gudaha C/laahi Abokor Cismaan ay dhaqaale badan ku bixinayeen sidii ay Maayar uga dhigi lahaayeen cid Kulmiye ku abtirsanaysa, balse aanay hir galin, ka dib markii uu Maayarkii hore ee degmadaasi uu si cad uga horyimid qorshaha xukuumadu ku doonaysay in Xildhibaan ka soo jeeda beesha bariga Burco loo doorto Maayar ku xigeen taas oo uu Cabdalle Sandheere si cad uga gilgishay, isla markaana dhabarka ka jabiyey qorshaha xukuumadda, kuna xalay inuu ka tanaasulay Tartanka Maayarka degmadda Berbera oo uu isagu ahaa ninka ugu dhawdhaw ee loo saadaalinayey markii hore.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com 2010 Privacy Policy Terms Of Use