btay Ayaa asJ

WelcomeTo QuljeedNet Awdalas

 

 

                   Home   Contact Us   About US            

 

17-12-2011

Ardaa Oo Beenisay Maqaal Ku Soo Baxay  Saylac.com ,Harawo.org

 

Beeneyn Dacaayad Rakhiis ah oo lagu soo Qoray Mareegtada Saylac.com (harawo.org)

 

Waxaan dhamaan dadweynaha horumarka jecel, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Awdal, Selel iyo Gabiley ee sida tooska iyo dadbanba u taageera Ururka ARDAA u sheegaynaa in  dad tiro yar oo war-xuma-tashiil ihi dacaayad been ah ka soo qoreen Ururka ARDAA. Dacaayadaas oo lagu soo qoray Saylac.com, sheegaysana in lacag laga lunsaday ARDAA, taasoo ah been cad oo faashil ah.

 

Hadaba waxaan cadaynaynaa inuu ururweynaha ARDAA yahay urur ay maamulaan dad xilkas ahi oonay marnaba ka suuroobin inay dhacdo lacag la lunsadaa. Sidaa awgeed gudida sare ee ururku waxay ku war-galinaysayaa jaaliyada ka soo jeeda Awdal, Selel iyo Gabiley:

 

  1. In warkaa ku qoran Saylac.com uu yahay been sal iyo raadtoona lahayn.

 

 

  1. In wixii qaadhaan ahaa eey ARDAA ka qaaday jaaliyaddu ku jiro khasnadeeda isaga oo dhan.

 

 

  1. Inay shabakadda saylac.com kasoo minguurisay qoraalkeeda beenta ah eey leedahay waxa u soo diray Kastamka U.K  halkan: http://www.hmrc.gov.uk/mlr/getstarted/intro.htm

 

 

  1. Ma jirto wax Ururka ARDAA u la xidhiidhay hay'ada Kastamka iyo Cashuuraha u qaabilsan UK, ama baadhis ka socota gudaheeda.

 

Ugu dambeyntii, waxan mar labaad beeneynaa dacaayadaasi xadgudubka ah ee ay faafisay mareegtada saylac.com taariikh 12/21/2011. Waxan uga digeynaa Saylac.com been ka sheega ururada ku hawlan kheyrka iyo horumarka dalka hooyo. Ururka ARDAA wuxu ka tashandoonaa talaabada sharciga ah ee u ka qaadi lahaa saylac.com.

 

  Ururka “ARDAA” e-mail: info@ardaa.org

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use

 

++

 

 

 

 

a