23-01-2011
Bahweynta Gadabuursi Ee Ku Nool Wadamada Reer Galbeedka Oo Taageero Buuxda La Garab Taagan Qaranimada Somaliland.
Bahweynta gadabuursi ee ku dhaqan wadamada reer galbeedka sida UNITED KINGDOM , U S A , CENTRAL EUROPE , NORWAY , SWEDEN, CANADA , DENMARK , AUSTRALIA , NEWSEALAND , IYO KHALIIJKA waxay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin xukuumada somaliland iyo jiritaanka qaranimada somaliland. gadabuursi waa beesha kaliya ee 100% taageersan qaranimada somaliland iyadoo lagu dhisay boorama dawladda somaliland iyo dimoqraadiyada.
gadabuursi waa qowmiyad muhiim u ah jiritaanka somaliland lagamana yaabo inay si fudud balantii ay la galeen shicibka walaalahood ah ee beesha dhexe iyo beesha bariga somaliland inay ka baxaan.
sida aynu wada ogsoonahay waad ogeydeen sidii CANADA looga taageeray jiritaanka somaliland, waxa kale oo aad markhaati ka tihiin maanta iyo mudaharaadkii xooganaa ee gilgilay magaalada boorama maanta ee lagu taageeraayey qaranimada somaliland.
somaliland gadabuursi sideed sanno ayuu madaxweyne ka soo ahaa imikana ku xigeen ayey ka yihiin mana aha beel laga maarmo degaan ahaan iyo dad ahaanba.
maalmahan waxaa jira khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne ku xigeenka iyo madaxweynaha , khilaafkaas oo ku saabsan markii uu madaxweyne ku xigeenku go, aan soo saaray ka dhan ah in xirsi shaqada laga eryo , madaxweynahana waxay ku noqotay argagax, taasi oo ku tusaysa heerka uu gadabuursi ka taagan yahay qaranka somaaliland.
xirsi waa nin reer baadiye ah oo aan aqoon lahayn siyaasadna aan aqoon u lahayn , waxa kaliya ee uu yaqaanaa waa sida loo abuuro mashaakilka beesha dhexe iyo beesha bariga.
sidaas darteed bahweynta gadabuursi ee qurbuhu waxay taageero siinayaan madaxweyne ku xigeenka mowqifka cad ee uu ka qaatay xirsi tooriile.
bahweynta gadabuursi waxay taageero buuxda oo ah 100% siinayaan madaxweyne ku xigeenka saylici mowqifka adag ee uu iska taagay arinta iyo sida raganimada leh ee uu warkuusu u cad yahay, arintaas oo la kacday markuu saylici u magacaabay xisaabiyaha madaxtooyada gabadh gadabuursi ah oo reer ugaas ah , ka dib xirsi shaqadii gabadhii ka eryey waana arinta uu madaxweyne ku xigeenku xirsi shaqada kaga eryayo.
arintaas oo aan wali nin ka soo jeeda beelaha gadabuursi oo jago sare dalka ka haya aanu ku kicin , arintani oo saylici rikoodh sare gaadhsiisay ama darajo sare oo bahweynta gadabuursi u hayaan.
waxa kale oo gadabuursi ay saylici darajo sare ku gaadhsiiyeen inta uu xukunka ku jiro oo beelihii samaroon ee waligood wasiirka kaliya lahaa oo laba laba uu uga dhigay in kasta oo beeshiisa uu qadiyey taasina waa cadaalad iyo QAYBIYAA QADA.
gabagabaddii saylici iyo somaliland labadaba waxaan il;aahay uga baryeynaa bashbash iyo barwaaqo.
Maxamed Cumar
Uk
London