\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

 02-02-2013

BAAQ: URURKA MIDEEYA QURBOJOOGA DHALINYARTA GOBOLADA AWDAL AND SALAL   FUTURE YOUTH COUNCIL  

ururweynaha future youth council oo ah urur ay ku bahoobeen in ka badan 36 urur matala dhamaan dhalinyarada qurbojoga gobolada awdal and salal shirar mihiima u socday mudooyinkan danbe lagaga Arinsanayay Arimaha ka Aloosna gobolada galbeedka somaliland kana qab qateen dhamaan xubhanaha ururka ku sugan wadamada Europe norh America Asia waxa ururku isla gartay qodobadan hoos ku qoran :


Waxan Tacsi u diraynaa dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay banaabixii salmiga ahaa    ka Qabsoomay Boorame  

Waxan si buuxda u tageersanahay Go,aanka bulshada reer saylac ku cabireen dareenkooda  una barbar taaganyihiin  mayorka iyo mayor ku xigeenka ku soo baxay Rabitaanka  Aqlabiyada bulshada reer saylac

Waxan ugu Baaqaynaa madaxweynaha dalka mudane silaanyo iyo dhamaan masuuliyiinta  
dalka inay ka foojignadaan faro gelin kasta ka dhan ah rabtaanka shicibka

Waxan hambalyo guud u diraynaa dhamaan suldaanada cuqaasha waxgaradka gobolada   awdal and salal sida midaysan caqliyaysan u wajaheen qadiyada saylac ugana midhodhaliyeen

Waxan ku boorinaynaa bulshada ku dhaqan gobolada Awdal and salal in la ilaaliyo nabadgelyada
xasiloonida iyo wada noolashaha beelaha walaalaha ku dhaqan degaanka
in la ilaaliyo qaynuunka iyo sharciga dalka u yaala lagana fogaado wax kasta wax u dhimi kara 
nabadgelyada cidii cabasho qabta marto sifooyinka sharciga ah 

GUDOOMIYAHA GUUD URUR WEYNAHA QURBOJOOGA DHALINYARADA GOBOLADA AWDAL     
          AND SALAL  FUTURE YOUTH COUNCIL


 RIDWAN AHMED M  GEELE

DALLAS TEXAS 
USA


 

  

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com 2010 Privacy Policy Terms Of Use