Muuse Carab Dugsiiye maaha nin lagu eegi karo in Boorama si dhibyar loogu xidho waana nin bulshada reer Awdal kuleh taariikh iyo magac iyo maamuus gaara waxana uu ka wanaagsan yahay boqolaal siyaasiyiina markaa maaha in warka xadhigiisa ku saabsan la fududaysto.
Muuse waxa uu midnimada reer Awdal u guntaday wakhti nin walba hoostiisa eegayay waxana uu laabta udhigtay dagaal gondihiisa kaga socday wakhtigaa oo waliba dawlado la isku adeegsanayay.
Waxa kale oo uu Muuse dantiisa gaarka ah iyo danta xaafadiisa hoose ka waynaysiiyay danta guud ee shacabka reer Awdal waxana lagu wada xasuustaa meeshii uu iska taagay qadiyadii Ugaaska oo wakhtigaa xasaasi ahayd kuna adkayd inta badan raga xaafadiisa kasoo jeeda.
Waxa kale oo uu mar labaad Muuse Carab Dugsiiye isaga oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye xaga hore soo fadhiistay oo uu kor uqaaday qadiyada reer Awdal wakhtigii ay socotay arintii Saylac isaga oo aan u xaglin xukumada iyo xisbiga uu gudoomiyaha gobolka uga yahayba.
Gudoomiye Muuse waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta tirada yar ee aan ka gaban wixii sax uu u arko waxa kale oo uu kamid yahay siyaasiyiinta tirada yar ee Quljeednet.com u hayso qadarinta iyo xushmaynta gaarka ah.
Maantana waxa lagu xidhay Muuse waxkasta oo uu yahayba kolay waa arin uu ugu hiilinayo uun reer Awdal oo waliba runta uu ka sheeg is leeyahay waana in loo hiiliyaa gudoomiye Muuse Carab Dugsiiye iyada oo mudaharaadyo lagu muujinayo sida looga soo horjeedo xadhigiisa lana tusayo xukumada iyo dadka SLba taageerada uu ku leeyahay gobolka.
Gabagabadii waxa lagu xidhay maaha muhiimada laakiin sida loo xidhay iyo xadhigiisa inaan raali laga ahayn ha la muujiyo.
Xukumadana waxan ugu baaqaynaa yaan la darjiidhin oo ninkii Baarqab loo arkaba la isku dayin in la qoor jabiyo
Quljeednet.com