Welcome To Quljeednet.com  Awdal                                                                                                                                                                                                   

 

Hooyada Asuubta Fanka Somaliyeed Hibo Nuura

 

Help Awdal To Decide Its Future and Vote For It

 

 

 Petition to Stop Bloodshed SSCSo

Quljeednet Brings to you the message you need to hear>>>>>>>>>>>

 

11-05-2010

Press Release: Families of the Victims of 7/11 have spoken loud and clear.

Rays Hotel 

 

 

 

Home   Contact Us   About US            

 

31-12-2010

Beesha Bahaber Celi Oo  Baaq Sas Iyo Cabsiyi Badani Kamuuqato  Udiraysa Gudiga Beesha Jibriilyoonis Ee Kushiraya Magaalada Boorama

Salaadiinta iyo waxgaradka beesha bahaberceli ee qurba kunoolka ah ayaa  waxay baaq iyo digniin udirayaan gudiga beesha Jibriilyoonis ee kushiraya magaalada boorama. Baaqan beesha bahaberceli kuwooga ugu firfircoon ee fadhi kudirirka ahi dirayaan ayaa waxa lagu shaaciyay bayaan ay dhawaan ugudbiyeen websitka afka beesha ku hadla ee Mysomaliland.com. Waxana baaqan kamuuqda sas iyo shiki badan oo ay beeshan oo maanta kujoogta kursiga ugu dheer ee Samaroonku kuleeyahay somaliland ka qabto  shirka baryahan dambe uga socda magaalada Boorama beesha Jibriil Yoonis ayaa waxa uu qornaa sidan soo socota:Read More

01-10-2010

Shir  Qarba Qarba Ah Oo Ay Dhlinyari Galbeedka London Ku Qabanayaan Malinta Bariya Iyo Kala Daadsanaanta Jaaliyada Reer Awdal  Ee UK

Bari Shirbaa Jira Ee Imo

  

Aabo aadan xasan
Hooyo siciida  xadi  good
Madiino aadan xasan iyo caruurteeda
Idiris aadan xasan iyo xaaskiisa
 Mustafe aadan xasan
C/casiis aadan xasan iyo xaaskiisa
fadxiya aadan xasan
Caasha adan xasan
Read More

Jaaliyada reer Awdal ee ku dhaqan UK waa jaaliyad balaadhan  waxayna jaaliyadu ugubadantahay magaalada London, waxana ku nool dad aad ubadan oo waxgarad iyo haween iyo odayaalbale.

 

Hadaba iyada oo aan wada ognahay in magaalada London tahay meesha dawlada Somaliland wasiiradeeda iyo madaxdeed sarsare iyo beelaha Isaaqa madaxdooduba ka sameeyaan dadaalka ugubadan  ee ay ugu ol-oleeyaan ictiraafka iyo horumarinta madaxbanaanida Somaliland ayaa haba yaraatee la arag Jaaliyada reer Awdal wax  taageera ah  amaba diiddma ah oo ay ku darsadaan dhaqdhaqaayada xawliga ah ee ka dhaca dalka Britain.

 

Waxana nasiib dara ah in ay noqotay UK meesha ugu tayada xun jaaliyadaha dibada ku dhaqan ee kasoo jeeda degaanka Awdal, taasi oo ay qaar kamida wufuuda yar ee mar marka qaarkood kayimaada dalkii hooyo horay u sheegeen taya xumida ku habsatay jaaliyada UK ee reer Awdal.

 

Waxana kamid ahaa wufuudahaa aadka u dhaliilay jaaliyada reer AWDAL ee UK wafdi dhawrsano ka hor yimiday dalkan oo ka socday Jaamacada Camuud oo uu horkacayay madaxa jaamacada Camuud Saleebaan Guled oo markuu ka noqday dalkan ee wax laga waydiiyay jaaliyada reer Awdal ee UK sheegay in aanu Britain ku soo arag jaaliyad reer Awdal ah.

 

Waxana mudadaa waftiga jaamacada soo dhaweeyay oo hay’adaha ay rabeen ee ay la xaajoonayeen la waday dadyaw kasoo kala jeeda gobolka Gabiilay iyo hargeysa

 

Hadaba dhibta haysata jaliyada UK gaar ahaan garabka raga waxa loo  anaynayaa geedka qaadka layidhaa oo sida lawada ogyahay aad loogu quuto wadankan Britain taasina waa ta keentay in jaaliyadu kaga hadho jaaliyadaha kale ee reer Awdal ee dibadaha ku dhaqan.

 

Waxa kale oo tusaale u ah fadhiid nimada jaaliyada reer Awdal ee UK sida lacagtii Jidka Dila/Boorama ay wali uga soo bixi laadahay jaaliyada iyada oo ilaa imika ururinteeda ay ku koobantahay haweenka oo kaliya isla markaana anay jirinba wax dhaqdhaqaaqa oo laga hayo garabka raga oo arinkaasi ku saabsan.

 

Iyada oo ay hadaba sidaa arimuhu yihiin ayaa waxa dhacday in todobaad ka hor rabadaankii aan soo dhaafanay ay dhalinyar kuwada qayisha mafrashyo kuyaala galbeedka London ay habeen jimca ah  ku heshiiyeen in ay maalintii habeenkaa ku xigtay ee Sabtidii in ay shir qabtaan taasina waxay sobobtay in ay waayaan cid ugu timaada gurigii ay ku balameen kadibna dadkii ay habeenimadii warka usheegeeni ay ku wargaliyeen in shir aanan horay loo shaacin lagu qaban karin maalin kaliya. Waxana wakhtigaa lagula taliyay in ay rabadaanka dabadii dhalinyartaasi qabtaan shirkaa ayna wada gaadhsiiyaan jaaliyada lana balaadhiyo ajandaha shirka oo aan lagu soo koobin uun wax markaa socda ee bal lagaga hadlo in la dhiso ururo jaaliyada isku xidha si loo kobciyo tayada jaaliyada reer Awdal ee UK.

 

 

Hadaba waxa la filayay in ay wax ku qaataan dhalintaasi tilmaantaas lasiiyay waxase marlabaad dhalintaasi sidii caadada u ahayd caawa oo ay jimcatahay taarkiikhduna tahay 01-10--2010 marlabaad. iskugu yimaadeen mafrashkii ay awalba balanta ku galeen waxayna dhagta iskugu sheegeen in ay bari shir qabtaan waxayna bilaabeen in ay dadka qaar u diraan taxt messagyo ay  kaga dalbanayaan in ay shir bari oo sabtiya 02-10-2010. kaga soo qaybgalaan maqaayad ku taala galbeedka dalka.

 

Hadaba marka la eego hawsha u taala jaaliyada Awdal ee UK iyo marka la eego kala daadsanaanta ka muuqata iyo wadanka ay joogaani muhiimida uu leeyahay waxa kuu soo baxaysa arinka shirka haatan dhalinyartu maqaaxiyaha ku qabanaysi in uu iska yahay  hadii uu dhacaba mid magac ah kaas oo aan lahayn hadaf fog oo la odhankaro wax buu ku soo kordhinayaa magaca reer Awdal.

 

Marka la eego arimaha Somaliland aad u khuseeya,  UK waa wadan aad muhiim u ah,  waxana nasiib dara ah in jaaliyada reer Awdal ee UK ay noqoto ta ugu liidata jaaliyadaha reer Awdal ee dibada.

 

Arintan  tamar la’aanta ah ee ku habsatay jaliyada reer Awdal ee Biritan waa mid dhamaan jaaliyadaha reer Awdal ee wadanada kale ku nooli ay kawada dharaegsanyihiin waana mid ay markasta ku waydiinayaan hadaad la hadashid dadka reer Awdal ee ku dhaqan wadamada kale ee caalamka

 

Hadaba jaliyada reer Awdal ee UK uma  baahno qaban qaabo mafrash dhexdii laga sameeyo oo lagu wargaliyo afar oday oo retire ah iyo afar muqayiliina oo toodiiba gabay ee waxa haboon in loo guntado samaynta ururo isku xidha jaaliyada ayna masuul kayihiin dad karti iyo aqoon iyo dabacsanaan u leh siyaabaha wax loo qaban qaabiyo.

 

Hadii taa la waayo waxa sii socon doonta uun in magaca reer Awdal oo ay matalayaan masuulyiinta Hargeysa oo sita magaca soomaliland ay maalin walba shirar ku yeeshaan aqalka baarlamanka ee reer Awdalna lugta ku wada agmaraan maalin walba.

 

                          Talo Mafrash Tayo Malaha Ee In Latoosaa Haboon

                          

                                       Quljeednet.com 

                                               London

                                    

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Utartamayaasha

Siyaasada Somaliland

 Ee Ka soojeeda

Awdal

 

  Links 

Somali Ecological Society

.Sallaxleynews.com

.Toga Herer

.Dalkasomaliland

.Longlivesomaliland.com

.Somalilandnation.com

.BBCSomali.com

.Ijaraonline

.Allaybaday.com

.Boramanews.com

.Somalilandembassy.com

.TvsomalilandEurope.net

.Haatuf.net

.Jamhuuriya.info

.Radiosomaliland.com

.Maandeeqnews.net

.Halganews.com

.Somalilandfuture.com

.Somlywood.net

.Togdheernews.com

.Somalilandpatriots.com

.Hargeysanews.net

.Somalilandcenter.com

.Hiiraan.com

.QaranNews.com

.Somaliweyn.com

.Radiohargeysa.net

.Haerdo.org

.Hargeysa.org

.Hadhwanaagnews.com

.Somaliland.org

              

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use