26-12-2012
BAAQ Ka Soo Baxay Waxgaradka Beelweynta Gadabuursi Oo Ku Saabsan Doorashada Degaanka Degmada Saylac
Anaga oo ka mid ah waxgaradka jaaliyadaha qurbaha ee Beelwaynta Gadabuursi, si buuxdana u qirsan horumarka Somaliland 20kii sano ee la soo dhaafay, kuna qanacsan in la adkeeyo nabada, cadaalada iyo is fahmka; waxa aan si cad u ogaysiinaynaa xukuumada Somaliland ee uu madaxa ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qodobada hoos ku xusan:
1. In aan aad iyo aad uga walaacsanahay warar sheegaya in xukuumada Somaliland ay bilowday ama damacsantahay faragalin looga dan leeyahay in badal lagu sameeyo ama lagu shirqoolo natiijada doorashadii deegaanka ee ka dhacday degmada Saylac 28 kii bishii November, 2012. Hadaba, arintani hadii ay run noqoto waxa aan shaki ku jirin inay tahay gardaro cad oo ka dhan ah Beelwaynta Gadabuursi iyo ku xad gudub dhamaanba is fahmka beelaha Somaliland iyo xeerarka doorashada ee u degsan Somaliland. Beelwaynta Gadabuursi sinaba uma aqbali karto in deegaankeeda laga dhaqan galiyo falal aan lagula hagaagi karin Somaliland inteeda kale.
2. Waxa aanu si buuxda u taageersanahay hadaladii iyo war murtiyeedkii kala duwanaa ee khuseeyay arintan ee ka soo baxay madaxdhaqmeedka iyo wax garadka Beelwaynta Gadabuursi ee ku nool gudaha Somaliland.
3. Iyada oo Beelwaynta Gadabuursi ay ka ahayd gadhwadeen iyo laf dhabar xoojinta iyo nabad- ku-wada noolaanshaha beelaha Somaliland, waxa aanu si adag uga digaynaa in faro galin lagu sameeyo natiijadii doorashada ka dhacday degmada Saylac ay halis ku tahay nabada.
4. Madaama Somaliland si isku mid ah loo wada leeyahay, waxa aan ugu baaqeynaa xukuumadu in ay xoojiso horumarka iyo geeedi socodka dimoqraadiyada, kana fogaato wax kasta oo keenaya dib u dhac ama abuuraya amni daro iyo cadaalad daro kala fogaysa beelaha.
Allah mahad leh.
**Waxa Saxiixay:
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar
Aadan Aamin Cawil
Xaashi Abiib
Ibrahim Ayeh
Prof. Xuseen Axmed Warsame
Cabdiraxman Aw Clmi
Maxamed Xirsi Bahal
Maxamed Jaamac Dogox
Bashir Goth
Dr. Mohmed Nuux Cali
Dr. Fozia Abrar
Dr. Hodan Muse Rabile
Dr. Yaquub Aw Adan
Dr. Cali Ibraahim Baxar
Sh. Maxamed Xuseen Hadi
Cali Warsame Ibrahim
Cumar Qawdhan
Muuse Cali (Joome)
Maxamud Cabdillahi Iimaan
Maxamuud Xasan Wacays(Saigon)
Yusuf Aadan Qaalib
Maxamed Alabari
Xalimo Xasan Sacad
Xalimo Jaamac Hadi
Roda A. Mizan
Aadan Xasan Iimaan
Ibrahim Cabsiiye
Maxamed Dahir Adan
Abdirahman Xaaji Abubakar
Cabdi Waaxid Sheikh Cismaan
Rashid Cige Guuleed
Cismaan Idiris Cali
Cibaado Xuseen
Caydiid Xaaji Daahir
Cabdi dahir Ayeh
Nur Bahal
Xaaji Cumar Cabdi Cige
Jaamac Geele
Xasan Aadan
Maxamed Dugsiiye
Maxamed Faarax (Saqiiro)
Nasser Osman Omar
Maxamad Cabdi Xaaji
Mustafe Cabdi Xaaji
Abdulkadir Ismail Jama
Maxamed Cabdullahi (Shiine)
Sacad Ismaaciil Samatar
Abiib Cabdillahi Muse
Rachid Omar Madoobe
Cabdirashid Omar Bile
Abdibasid Maydhane Fajac
Maxamuud Yusuf Samatar
Abdi Adan Cabdillahi
Geesh Xaaji Qaasim
Dahir A. Aden
Nuh S. Mohamed
Yousuf M. Abdi
Abdirizak Omar Bille
Muhyadin Warsame
Abdisamad Ateye
Khadra Hassan
Omar A. Farah
Ahmed Buh
Abdirahman Egeh
Hassan Yey
Ismail Jibril
Hussien Jama
Hussien Obsiye
Maxamoud Egal
Abdirahman Kahin
Mustafe F. abdillahi
Ahmed J. Elmi
Mahdi M. Isaq
Mohamed O. Kahin
Abdulkadir hussien
Hamud Aw Ali
Mustafe Nour
Aden Hachi
Mohamed Dahir
Warsame A. Warsame
Marian Warsame
Mahdi Sultan
Mohamed Ali
Dahir Wabari
Abdirisaq Weyrah
Ahmed Kamakama
Abdirisaq Subagle
Ahmed Adan
Hassan Haad
Haruun Hadi
Abdi Hadi
Abdirahman H. Nur
Hassan Kamil
Hassan Aareeye
Farah Jiilaal
Lul Kowrah
Suad Kowrah
Mustafe Rooble
Deqa Magan
Ayan Magan
Aidarus Ayeh
Saleeban Ayeh
Saiida Ayeh
Mohamed Magan
Ali Magan
Samaroon Magan
Mohamed Ahmed
Abdi Macalin
Abdikarim Billeh
Cisman Abdi
Abdikarim Rijal
Osman Rijal
Foosi Rijal
Ali A. Farah
Nadia Farah
Kaltun Ofle
Amina Ofle
Yusuf Adawe
Fuad Amir
Ahmed Geedi
Guled Geedi
Said Geedi
Khadar Geedi
Amal Sh. Abdullahi
Ubah Sh. Abdilahi
Rahma Sh. Abdullahi
Abdisalaan Ilburo
Hassan Adawe
Hassan Sheer
Rage Isaaq
Jibrir Isaaq
___________________________
* Waxa si buuxda u taageersan ururka Tol Leadership Council (TLC) iyo dhamaanba ururada Beelwaynta Gadabuursi.
** Dad aad u badan oo codsaday in magacdooda lagu daro ayaan ku jirin sobab xaga wakhtiga awgeed.