\WelcomeTo QuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

26-12-2012

Taariikhda Saylac  Iyo Wixii Aan Kasoo Gaadhay Qaybta Kowaad: By Maxamed Sh Daahir Qaalib

Magaalada Saylac waa  magaaloyinka ugu qadiimsan xagga taariikhda dalkeena

    “Waxa wanaagsanaan lahayd in dhulka laga wada faa’iidaysto”  

 

Waxan halkan kaga sheekayn doonaa taariikhda intaan ka ogahay, Magaalada Saylac oo ah, meelaha ugu qadiimsan uguna faca weyn inta taariikhda lagu hayo dalkeenan Somaliland iyo Soomaali inteeda kaleba.

 

Anigu waxan ku barbaaray, waxbarashadaydana ka soo bilaabay heer dugsi qur’aan iyo dugsiga hooseba tuulada Toqoshi oo caan ku ah milixda dalkeena laga isticmaalo, halkaasi oo aabahay ceelal milixa ku lahaa, ka dibna waxan u soo wareegay magaalada Saylac 1983tii oo aan ku dhamaystay dugisaga dhexe 1989kii, waxan dib u degay Seylac anigoo ganacsade ah 1996kii, halkaasi oo aan tukaan ka furtay muddo todobada sanno ku dhaw.

 

Annigu waxan ku garaadaystay ama aan magaalada  Seylac tegay iyada oo guryihii dabaqyada ahaa ay ka sii dhisan yihiin 1979kii waxan u ciyaar tegi jirnay maalmaha  Jimcaha iyo Khamiista magaalada Seylac, halkaasi oo aan ku ciyaari jirnay guryahaa dabaqyada ah oo sii dhisan, dekeda Seylac oo markaasi aan bur-bur badani ka muuqan, iyo xeeliga badda ayaan u ciyaar tegi jirnay.

Inkasta oo aan markaasi aad u yaraa haddana waxan dareemayay in magaaldani ahayd meel fac-weyn oo taariikhiya leh, waayo waxad arkaysay waxyaabo badan oo raad aad ka dareemayso, waxyaabaha ka mid ahaa waxaa ka mid ahaa aayado Qur’aan ah oo ku xardhanaan jiray albaabada iyo gidaarada meelaha qaarkood, sida Maqaamka Sh Ibraahim Seylici oo wali sii dhisan, anigoo markaasi Qur’aanka akhiriya meel wanaagsana mara waxa ii suurta gali jirtay inaan akhriyo, waxana ka mid ahaa aayaadka aan ku arki jiray Aayatul kursiga, Yaasiinka, Saddexda suuradood ee Ikhlaas, Falaq iyo suuratul Naas. Waxa kale oo ka mdi ahaa kalmado carabiya oo u badnaan sidaan markii dambe fahmay qasiidooyinkii loo qaadi jiray mashaa’ikhdii waaweynday ee halkasi laga siyaaran jiray beryaashi aan u cayaar iman jirnay.

Waxyaabaha ay magaalada Seylac caanka ku ahayd waxa ka mid ahaa siyaaroooyinka oo wakhtigaasi aad loo qadarin jiray laguna samayn jiray xaflado iyo ducooyin ballaadhan oo meelo badan la iskaga iman jiray sida dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaliya.

Taasi waxay anaga  noo ahayd jaanis weyn oo waanu ka qayb gali jirnay maalin kasta oo la siyaaranayo meelahaasi.  

La soco qaybaheeda dambe …………….

 

Eng Maxamed Sh Daahir Qaalib

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use