\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

07-01-2012

Wadajirka Samaroon Baa kaqaalib Noqday Shirqoolkii  Geele & Siilaanyo

Mahad oo dhan Ilaaha awooda badan baa leh, amaan iyo sharafna waxaa mutay nabigeenii Mohamed (NNKH).  Haddaba waxa wax lagu farxo ah in maalin dhaweed aanu maqalnay  guushii ay beesha Samaroon ay kasoo hoyeen dooroshooyiinkii kadhacay degmada Saylac oo noqotayna akhbaar ay ku diirsadeen cid walba oo Samaroon ah ogna taariikhda fog iyo tan dhaw ee magaalada Saylac.  Ragaas doorashadan kuma soo baxeen loomana dhaariyeen xilkaa haddii Samaroon uuna iskuduubneen ooyna waliba abaabul adag ugalin sidii ay dib gacantooda usoo galin lahayeen dhulkii ay iskadayaceen (ay reerka Ciise siiyeen) 52 sanadood horteed.  Laakiin waxaan wada ognahay ururka Xumaansoor lacagtii horudhaca aheed ee uu kasoo qaatay dawlada Jabuuti ($200-kun) ay 20-jeer kabadneed mida qurbajooga Samaroon ee UK ($10kun+)ay bixiyeen hadana qoladii xaq u dirirka Samaroon buu Ilaahay libintii raacshay.  Ururkaas Xumaansoor oo ujeedada qura ee loo asaasay uu ahaa sidii dhulka Samaroon loola wareegi  lahaa iyadoon hal xabad oo rasaas ah ayna kadhicin (khaas ahaan dhulkaa xeebaha) ayaa waxa uu noqday mid kuhungoobay shirqoolkiisii foosha xumaa ee lagasoo maleegay Jabuuti, hadana ururkan Xumaansoor waxa uu wadaa inuu dhawaan Somaliland ka furo ‘radio’ cusub oo fidno-abuur ah!

 

Haddaba aan yara dulmarno marka hore waxa beesha Ciise ay gacmahooda iskubadeen 4tii isbuuc ee lasoo dhaafay.  Markii doorashadii xorta aheed ay kufashilmeen, ayaa Geele iyo colkiisa Ciise  waxay danmoodeen in television-da lagasoo caytamo loona hanjabo beesha Samaroon iyadoo isla markaana  u barooranaya aabahood- Siilaanyo.  Laakiin markii oohintii iyo baroorkii farahabadnaa ee beesha Ciise uu hal bacaad lagu lisay noqday ayuu madaxweyne Geele wuxuu miciin biday inuu u talo sheegto Siilaanyo sidii uu u dhinac qaban lahaa qadiyadan jahawareerisay ee uu siyaasad, maal, muran iyo baroorashaba ay kusoo xero galin waayeen isaga iyo beeshiisa Ciise.   Siilaanyo oo isaguna intuu wadanka kusoo noqdayba u xayt-xaytay siduu uga midho dhalin lahaa mashruucaas Saylac ayaa waxa soo gaadhay baaq culus oo ka yimid salaadiinta beesha Samaroon oo kabiyo diidan sida uu wax u wado iyo  madaxweyna-kuxigeenka oo isaguna gaashanka-kudhuftay arrinkan (inkastoo Siilaanyo mar uu lakulmay xildhibaanada Samaroon ee Hargaysa kusugan uu beeniyay inuu Saylici arrintan Saylac kalahadlayba iyaga hortood)  sidoo kalena waxa sutida usii qabtay  xildhibaanada beesha Samaroon ee Hargeysa jooga.

 Haddaba markuu arkay mawqifkan mideesan ee Samaroon ayaa waxay Siilaanyo ku noqotay mashruucii Saylac laf dhuun gashay oo uu kaquustay inay wax iskabadalaan xaalada guracan ee magaladaasi.  Arrintaasna ma’dhacdeen haddii Samaroon meelkaliya ayna uga soo wada jeedsan qadiyadan Saylac. Siilanyo markuu arkay labadiisii ergo oo ku fashilmay khiyaamadii qaran ay wadeen iyo waliba mawqifkii adagkaa ee raganimada lehaa ee Salaadiintii Samaroon ay iskatageen (waa garnaqsigii ee) cadaalada darradan badheedka ee Siilaanyo kula kacay beesha Samaroon, ayay Siilaanyo qasab kunoqotay in raggii Saylac kasoo baxay uu u dhaariyo xilkoodii isla markaana u sheego ergadii Ciise ee bililiqeesiga u socotay inuuna waxba kaqaban karin arrintii ay u hanqaltaagayeen mudada bisha kabadneed.

Wajigabaxan ugu danbeeyay ay beesha Ciise kala kulantay Siilaanyo ayaan noqon doonin (ayaan daro) mid soo gunaanada silsilada taxanaha aheed ee Beesha dhexe kaga daneesato beesha Ciise iyagoo leh:  ‘‘anagaa kusiindoona dhulka Samaroon amma  binu Axmad baanu wadanahay’’ oo labaduba ah waxaan xataa ciyaalku aan loogu sheekeen karin.  Laakiin, shaki la’aan, Beesha dhexe aad bay ugu xeel-dheer yihiin sida looga dilaalo (baayac-mushtareeyo) qadiyada beesha Ciise oo mar walbana diyaar la ah filim cusub oo laga gado beesha Ciise.  Teeda kale inkastoo odayaashii Ciise labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ay marna xoog isbidayeen (Ciise qabiil ma’ahee waa qaran), marna ay caytamayeen (Ciise tuugada mayaqaan ee Samaroonbaa kushubtay codka) laakiin haddii xaqiiqda cidana kama qarsoona oo Ciise meesha kumahayaan aqoonta iyo daganaashaha (xadaarad dheer keentay) Ilaahay siiyay beesha Samaroon amma xataa shadhaarada iyo shaydhaanimada Beesha dhexe.  Markaa beesha Ciise een isdhalnay waa inay shaydaanka iskana-naaraan oo beenta marwalba Beesha dhexe ay u soo tahriibinayso ee galisay yididiilo iyo mala awaalka aan kala go’a laheena(1988-?) oo waxba ayna kajirin ay kawaantoobaan.  Markii ay Saylac waayeena haddana waxay bilabeen cagajugleen iyo ciidankii Jabuuti oo maleeyshiyo Ciise laga dhigayo ay soo tuuleen Lawyacade oo kusoo wajahan Saylac (Hiildan.com).  War Omar Geele si looga mashquulo ayuu maalinba meel farta idinku fiiqayaa oo 4tii isbuuc ee lasoo dhaafay Saylac iyo Somaliland bay aheed, haddana Irateriya (Eritrea) ayaana maxabiis kasoo daynayaa ayuu dadka iskaga jeedinayaa.

 

Samaroonbay noqotay  waxan leenahay dhibataas ay maantu dadkayaga  ay u dhinteen (2+2=4) amma u dhaawacmeen waa mid aan anagu  (beesha Samaroon) gacmaheena ku samaynasay sannadkii 1960-kii markii beesha Ciise laba kursi aan kasiinay Saylac.   Beesha Ciise oo ka waysay Somaliya 1960kii meel beel ahaan ay dagaan ooy iska soo sharixi karaan ayaan soo dhaweeynay oo ku  sharfnay labadii kursi ee dagmada Saylac ooy iyagu bilaa doorasha ay kusoo bixi jireen. Waa kuwaa haddaba maanta 52 sanadood dabadeed inoogu abaal guday inay yiraahdaan nin Samaroon ah Saylac kama talin karo, halka maanta Samaroonkii Gabiilay-na (ayaan daro) iyagana laga boobay awood qaybsigii amma ay noqdeen uun riciyad aan wax talo ah kulaheen majaraha siyaasadeed ee gobolkaas.  Taas mid lamid ah ayay hadana kabilaabeen Samaroonka dhoohan ee Lughaya iskugutimid (sannadkan dhamaaday ee 2012) ee u ogolaatay in nin reer Jibriil Obokor uu kasoo baxo lughaya halka kuxigeenka meeyarkana beesha Ciise ay ku sharfeen. Bishaaro waxaad ogaataan doorashada danbe 10 Jibriil Obokor aha ayaa iska soo sharixidoonta Lughaya oo dagaalna kaxigadoona haddii ay kasoo bixi wayaan doorashadaas.

Dhibaatada beesha Samaroon haysatana waxay katimadaa laba nooc oo raga kamid ah midi waa mid aan waqtigan cusub la socon oo abtinimo iyo jaar-baan nahay oy waqtigeedu dhamaaday wali sii aaminsan oonan waxba kala socon siyaasada cusub ee hadda socoto ee dhulbalaarsiga. Ninka labaadna waa ninka dhawaanada soo baxay ee biidhiqaataha (siyaasi, suldaan, suxufi shaadh kuudoonaba hasoo xidhee) oo isaga waxa shilin kasoo hadhaba aanan afgaran.

 

 Laakiin Samaroona waxba kama xumaandoonaan haddii ay Ilaahooda iyo naftooda ku kalsoonadaan oy si wadajir ah u waajahaan dhibaata walba oo soo-food saarta.  Sidii ay maalintii dhaweed ay sameeyaan suldaanadii Samaroon dhamaantood (xataa mid amma labadii suldaan ee la waayey way soo noqdeen) oy sharaftooda iyo tii reer tolkoodiiba ay ilaashteen.  Kuwa Hargeysa amma Jabuuti lagu tuhmayana in laga soo amrana waxaanu leenahay war qofina irsaaqdiisa ma’seego siduu Nabigu (NNK) inoo sheegayba ee risqigiina meel fiican kadoonta.  Oo xoogaaga yar ee shilimaada ah ha dhaafsanina reer toolkiina taasi aaduuna waa idinku magac xumo aakhirana waa idinku cadaab.  Qoladan hunguriga xun ee soor-raadiska ah iyaga intaas aan uga baxno waanadooda oo koley  waxba inaga maqlimayaan oo hore ayaa loo yiri nin soori qaaday waa nineey seefiqaaday.

 

Saaladiinta Samaroon intooda kale ee damiirka fiican Ilaahay galiyay waa inay aad  ugu da’daalaan midnimada Samaroon iyo sidoo kalana aan lagu xadgudbin xuquuqda  dadka kale ee inala dagan.  Laakiin inay marna aqbalaan ma’aha inay qabiil kale uu inoogu yimaado dhulkeena oo yiraahdo oo aniga ayaa kuutalinaya taas macnaheedu waa aan ku gumaysto.  Haddii arrinku sidaa noqdo, labajeerba qofna dhaafimaayo maalintii ajashiisu tahay,markaa waa doqoniimo inaad kagabano dagaal oon waajihi kari wayno dad inala mid ah oo damcsan inay dhulkayaga nagu dulgumeestaan. Ileen meeshan dawladnimo mataal mar hadii dawladu ay marba sharci cusub jeebka kala soo baxaysa oo doorashadii iyo sharciga wadanka ka tilaabsanayso, hadii arinku sidaa yahayna markaa sheekadu waxa weeyi qabiil doonayo qabiilkale inuu iska gumeesto.  Anaguna waxaanu lee nahay : waarimayside wari hakaa haro. Ilaahay hana waafajiyo sidii khayrku kujiro.

Wabilaahi tawfiiq.

  1. Muuse Muruud.

Email: daacad100@hotmail.co.uk

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use