\WelcomeToQuljeedNet Awdal 

 

 

 

  Home    Contact Us   About US          

 

 02-01-2013

Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga UCID Oo si weyn ugu Dhaliilay Xukuumadda Madal Loogu Dabaal Dagayay Xisbiga UCID Oo mar kale ka mid Noqday 3-dda Xisbi Qaran Oo Kampala Ka Dhacday.

Kampala. Xaflad Balaadhan oo Si Heer Sare ah loo soo Agaasimay oo lagu Maamuusayo Xisbiga UCID, Oo mar kale ka mid Noqday Saddexda Xisbi Qaran Ee ay Somaliland yeelanayso Tobanka sano ee soo socda ayaa xalay lagu Qabtay Huteelka Caalamiga ah Ee International Hotel Ee ku yaala Badhtamaha Caasimadda Dalka UGANDA Ee Kampala, Xafladan oo ay ka soo Qayb galeen Dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira Jaalliyadda Somaliland ee ku Nool Dalka UGANDA Iyo Ardayda Somaliland ee wax ka barata JAAMACADAHA Dalka UGANDA. Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Ee Xisbiga UCID     Mudane: Abdirashid Xasan Mataan oo Madasha Xafladdan ka jeediyey Khudbad dheer oo Dhinacyo badan taabanaysa oo uu kaga Hadlay Arimo badan oo ay ka mid yihiin Xaaladda uu Dalka haatan marayo, isaga oo dhaliilo badan u soo jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siiraanyo.

  

(Link-gan Hoose Guji Si Aad u Daawato Muuqaalka VIDEO-YAGA Khudbadii Uu Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Ee Xisbiga UCID Md Cabdirashid Xasan Mataan ka jeediyey Madasha.

 

https://docs.google.com/file/d/0B6G7NQ4_kQWBbGZrYTJzeTBrZUE/edit?pli=1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com 2010 Privacy Policy Terms Of Use