Welcome To Quljeednet.com  Awdal                                                                                                                                                                                                   

 

Hooyada Asuubta Fanka Somaliyeed Hibo Nuura

 

Help Awdal To Decide Its Future and Vote For It

 

 

 Petition to Stop Bloodshed SSCSo

Quljeednet Brings to you the message you need to hear>>>>>>>>>>>

 

11-05-2010

Press Release: Families of the Victims of 7/11 have spoken loud and clear.

Rays Hotel 

 

 

 

Home   Contact Us   About US            

02-09-2010

Gudoomiyaha Awdal Wuxu U Baahanyahay Talo Daacada Ee Uma Baahna In Jar,laga Tuuro.By Sigad

 

 

 Huuno tolkaa baan ahyoo

 Waan ku tiirin rabaaye

 Taladii guuleed timadheere

 Tolka uu ku wadaayay

 Tunka waad ku sidaaye

 Tamartaada adeegsoo

 Tabtu yeyn kula baydhine

 Balka tiiri dhankaaga

 

Marka hore waxan salaamaya umada gobolka Awdal waxanan leehay ramadaan kariin ilaahayna ha inoo fududeeyo inta ka hadhay waajibaadka ilaahay ina saaray ee bisha Ramadaan camalfiicana markasta ha ina waafajiyo

 

Hadaan ugudbo qoraalkani nuxurkiisa waxa  muuqataa in gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle uu yahay nin daacada laakiin aan hayn dad lataliya oo daacada islamarkaana ay ku garab nabanyhiin kuwa isaga laraba dhib iyo halaag in uu ku dhamaysto masuuliyada la saray.

 

Waxayna dadkaasi jecelyihiin sida durtaba soo ifbaxaysa in Maxamed Daahir Cabdalle iyo shacbiga gobolku durbaba is nacaan. Kuwa fikirkan ka dambeeya ee talada siinaya masuulkanina maaha kuwo ka shaqaynaya danta shacabka amaba danta iyo muslaxada gudoomiya cusub laakiin waa kuwo raba in ay kafaa’iidaystaan warmoognimada iyo daacadnimada gudoomiyaha.

 

Iyaga oo waliba shaqsiyaadka ku daba naban gudoomiyihu ku kala duwan damacyadooda ay ka leeyihiin arinkan ayay hadana kasimanyhiin arinka iska horkeenka gudoomiyaha iyo shacabka uu masuulka kayahay.

 

Waxa kale oo jirta fikrad iyadna  larabo in la iskaga horkeeno beelo walaalo ah oo ay wadaan dad dana gaara kale arinkani, waxana loo adeegsanayaa arintan badhasaabka laftiisa oo aan waxbadan kala socon manaafaqada iyo xasadka qaar kamida bulshadu ku dhaqmaan.

 

Hadaba talada daacada ah ee ubaahan in lasiiyo godoomiyaha gobolku waa mid u baahan in ay katimaado cid ka naxaysa wanaagna u haysa gudoomiyaha laftiisa jecelna wanaaga bulshada gobolka Awdal.

 

Waana in lagula taliyo gudoomiyaha in uu garto in shaqadiisu tahay horumarinta iyo adeegida bulshada gobolka Awdal oo dhan ee aanay ahayn in uu ushaqeeyo shaqsiyaad dana gaara leh iyo waliba in aanay masuuliyadiisu ahayn in uu ushaqeeyo dawlada dhexe ee ay tahay in uu ushaqeeyo shacbiga gobolka uu masuulka kayahay.

 

Dabcan waa la ogyahay in uu katirsanyahay xisbiga talada haya waana la ogyahay in madaxweyne siilaanyo uu usoo magacaabay gobolka laakiin taasi maaha in gudoomiyaha loogu turjumo in uu yahay godoomiyaha Xisbiga kulmiye ee gobolka Awdal, taasi oo hadii gudoomiyhu sidaa u fikiro usoo jiidi doonta cadaawad badan maadaaba dadka gobolku ubadnaa dadkii ufooteeyay xisbiga Udub.

 

Hadaba shaqsiyan talada aan anigu udirayo gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Daahir Cabdalle  aniga oo ah muwaadin kasoo jeeda gobolka awdal waxan u dhigayaa sidan hoos ku qoran.

 

Mudane gudoomiye markaan ufiirsaday ee aan waraysaday la iina sheegay cida iyo inta aad ku xidhantahay ee aad talada ka hesho shaqsiyaadka ay yihiin, waxan ogaaday in laguu qodayo bohol larabo in adiga iyo shacbiga gobolka Awdal oo aan ahayn dad rabshad wada yaala la iska kiin horkeeno si lagaaga riixdo jagada aad haatan hayso.

 

Hadaba waxan ku odhanlahaa kugulana talinayaa in aad ka fogaato dadka raba in ay adiga iyo shacbiga iskiin nacsiiyaan, waana in aad ogaataa in ay shaqadaadu tahay horumarinta iyo wanaajinta bulshada gobolka ku dhaqan iyo waliba nabadgalyada oo aad si odaynimo iyo xigmadleh aad uga shaqayso.

 

Hadaba talooyinkaa waxad ku gaadhi kartaa in aad yeelato dulqaad iyo dhabar balaadhan oo aad ku sido inta qaldan iyo inta saxanba. Hadii aad rabto in aad masuuliyadan ku sii waartana waa in aad dhagaha ka furaysataa kuwa kugu dhiiri galinaya in lagaa baqo, iyo in aad gacan bira adeegsato.

 

Dabcan meeshii ay kamaarsami weydo ee ay dadkuna kula arkaan gacan bira in aad ku qabato waa mid banana laakiin in dhalaanka iyo shibiraha lagu daba dhigo waa mid adinaga magac xumo kuu soo jiidi shaqadaadana sii adkaynay doonta.

 

Hadaba waxan ku leehay mudane gudoomiye waxad kadhalatay qoys lagu yaqaan dulqaad iyo xigmad oo waxad kasoo jeeda dhashii buux ee maaha in lagaa maskax badiyo ee dhuluc dhulucda dhaaf oo dhul u dhacaaga hubso.

 

Waa talo muwaadin wadani ahi kuu soo jeedinayo ee maaha mid cadaawad iyo dacaayadi ka dambayso

 

Cabdale Faarax Sigad

 

Sigad12345@yahoo.co.uk

 

    

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Utartamayaasha

Siyaasada Somaliland

 Ee Ka soojeeda

Awdal

 

  Links 

Somali Ecological Society

.Sallaxleynews.com

.Toga Herer

.Dalkasomaliland

.Longlivesomaliland.com

.Somalilandnation.com

.BBCSomali.com

.Ijaraonline

.Allaybaday.com

.Boramanews.com

.Somalilandembassy.com

.TvsomalilandEurope.net

.Haatuf.net

.Jamhuuriya.info

.Radiosomaliland.com

.Maandeeqnews.net

.Halganews.com

.Somalilandfuture.com

.Somlywood.net

.Togdheernews.com

.Somalilandpatriots.com

.Hargeysanews.net

.Somalilandcenter.com

.Hiiraan.com

.QaranNews.com

.Somaliweyn.com

.Radiohargeysa.net

.Haerdo.org

.Hargeysa.org

.Hadhwanaagnews.com

.Somaliland.org

              

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Quljeednet.Com © 2010 • Privacy Policy • Terms Of Use